Skip to content
project banner

Xog ururinta caqabadaha - Somali

Salaan,

Waxaan fahamsannahay in adeegyadeena ay tahay kuwo u fudud macaamiisha ka kala yimid asalo kala duwan iyo sidoo kale kuwa leh baahiyo gaar ah. Waxaa naga go'an in aan xaqiijino in dhammaan macaamiisheena ay si caddaalad ah ugu helaan adeegyada aan bixino.

Waxaan dooneynaa in aan si fiican u fahamno caqabadaha ay wajahayaan macaamiisheena kuwaas oo laga yaabo in ay qabaan baahiyo gaar ah, waxaanan jecelnahay fikraddaada si ay nooga caawiso inaan horumarino arrintan.

Waxaa laguu soo xushay inaad ka qayb qaadato xog ururin si aad nooga caawiso inaan si fiican u fahamno sida aan u horumarin karno taageeriddeena macaamiisha adiga oo kale ah. Jawaab-celintaadu waxay naga caawin doontaa inaan dhisno khibrad loo dhan yahay oo si fudud ay u heli karaan dhammaan macaamiisheena. 

Fadlan ogsoonow in xog ururintu gabi ahaanba qarsoodi tahay. Tani micnaheedu waxa weeyaan in aan awoodin in aan si toos ah arrimo gaar ah wax uga qabano habkan. Haddii aad qabto arrin u baahan in lagaala tacaalo, fadlan la xiriir Kooxdeena Adeegyada Macaamiisha, adoo wacaya lambarka taleefanka lacag la'aanta ah 0800 111 4013 ama buuxinaya foom xiriir ah oo laga helayo halkan https://www.longhurst-group.org.uk/contact-us/   

Waad ku mahadsantahay waqtigaaga iyo sida aad nooga caawineyso in aan horumarino habka aan kuu taageerno.

Ixtiraam gaar ah,

Kooxda La-falgalka Macaamiisha.